Qalaashe xooggan ayaa ka taagan Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ka dib markii ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ay isku dayeen in ay soo xiraan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Muqtaar Mahad Daa’uud ayaa la sheegay xilli uu ku sugnaa Wasaaradda in ay u yimaadeen Ciidamo, islamarkaana ay tuseen warqad Maxkamad ka socotay oo lagu xiraayo.
Wasiir xigeenka ayaa la sheegay in uu diiday in uu raaco Ciidamada, waxaana la sheegay in sidoo kale ciidamadii ku sugnaa Wasaaradda ay ku xareeyeen Wasiirka Gaari aysan xabaddu karin.
Ciidamada Ammaanka xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa diiday in la xiro Wasiirka, waxaana la sheegay in wali ay taagay xiisad xooggan.
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa gaaray xarunta Wasaaradda, waxaana uu halkaasi ka saaray Ciidamadii galay.














