Qarax Ciidamo lala eektey Oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Qaraxa oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeeysa Degaanada beergadiid iyo Coomaad oo u dhaxeeyo Beledweyne iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka Aaso ayaa waxaa lala eegtay Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamo ka tirsan Millateriga Dowladda Soomaaliya, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday laba qof oo kala ah askari ka tirsan ciidanka dowladda iyo qof kamid ah maleeshiyaadka macaawiisleeyda halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in xilliga qaraxa uu dhacayay ay Ciidamada howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadeen inta u dhaxeeysa Degaanada beergadiid iyo Coomaad , isla markaana qaraxa kadib ay fureen rasaas farabadan.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dadka ku dhaawacmay qaraxaas la geeyay Isbitalka degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud si halkaasi loogu daaweeyo, kuwaas oo la sheegay in dhaawacooda uu fudud yahay.

Dhowr jeer ayaa degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay qaraxyo lala eegtay Ciidamada dowladda Soomaaliya & dagaalo xoogan oo dhx-maray Ciidamada dowladda & Al-Shabaab.