Qarax Khasaaro Geystay oo Ka Dhacay Gobolka Bari oo khasaare geystey.

Ugu yaraan laba askari ayaa ku geeriyooday, halka siddeed kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kadib markii qarax miino lagu beegsaday gaari ciidan oo marayay wadada u dhaxeysa deegaanka Turmasaale iyo Afka Curaar ee Degmada Balidhidin, gobolka Bari.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu si toos ah u haleelay mid ka mid ah gaadiidka kolonyada ciidamada, taasoo keentay dhimashada iyo dhaawaca askarta. Qaraxan ayaa lagu tilmaamay mid si xeeladaysan loo dhigay, iyadoo loo maleynayo in lagu bartilmaameedsaday dhaq-dhaqaaqyada ciidamada Puntland ee ku sugan gobolkaasi.

Dhaawacyada ayaa si degdeg ah loogu qaaday xarumo caafimaad oo ku dhow dhow, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in qaar kamid ah askarta dhaawacmay ay xaaladoodu culus tahay.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan, hase yeeshee gobolka Bari ayaa caan ku noqday weerarrada qaraxyada ah ee lagu beegsado ciidamada amniga Puntland, kuwaas oo marar badan lala xiriiriyay kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraha gobolkaasi.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada difaaca Puntland, gaar ahaan guutooyinka PMPF (Puntland Maritime Police Force), ay wadaan howlgallo ballaaran oo ka dhanka ah dagaalyahanada kooxda Daacish, kuwaas oo saldhigyo waaweyn ku leh buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari.

Agaasimaha Guud ee Ciidamada PMPF, Cabdirabbi Nuur, ayaa dhawaan booqasho kormeer ah ku tagay fariisimaha ciidamada Puntland ee ku sugan deegaannada Baallade iyo Miiraale. Agaasimaha ayaa halkaas kula kulmay saraakiisha hoggaamineysa hawlgalka, isagoo warbixin ka dhageystay xaaladda amni iyo horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha khatarta ku ah xasilloonida gobolka.

Howlgalka Hilaac ayaa ah mid si joogto ah loogu beegsado fariisimaha kooxda Daacish, waxaana lagu soo waramayaa in dhowr saldhig oo muhiim ah laga saaray gacanta kooxdaasi.