Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Saaka ka dhacay Magaalada Magaalada ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan Qaraxa.
Qaraxa oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta Soomaaliyeed, waxaana jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana Qaraxu ka dhacay Aga-gaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaaasim, halkaasi oo uu marayeen Ciidanka Qaraxa lala beegtay.
Inta la xaqiijiyay labo Askari ayaa ku dhimatay, waxaana ku dhaawacmay dad shacab ah oo ay Haweenay ku jirto sida wararka qaar sheegayaan.
Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in Qaraxa uu ka bad-baaday Taliyaha Ciidanka Asluubta, kaasi oo la socday Gawaarida Qaraxa lala beegsaday inkastoo uusan haleelin Gaariga uu saarnaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
Wali laamaha ammaanka kama hadlin Qarax, sidoo kale ma jirto cid sheeegatay Mas’uuliyadda Qaraxa Saaka lala beegsaday Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, balse inta badan Qaraxyada Noocaan ah ayaa waxaa gaystay dagaalamayaasha Al-shabaab, inkastoo aysan wali ka hadlin Qaraxaan.














