Qaraxyo ka dhacay Magaalada Kampala

Labo qarax oo xooggan ayaa laga maqlay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Waxay sheegeen in hal qarax uu ka dhacay meel u dhow Xarun lagu dumaameesto oo dhowr tallaabo u jirta saldhigga booliska iyo mid kale oo ka dhacay waddo ku dhow xarunta baarlamaanka.

Booliiska ayaa si degdeg ah uga hadlin qaraxyadaan, mana cadda in qaraxyada ay ahaayeen kuwo bambaanooyin ah, waxaana la xaqiijiyay inay qaraxa ku dhinteen laba Ruux tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Saraakiisha Uganda ayaa ku baaqayay in laga feejignaado qaraxyo is xigxiga oo todobaadyadii la soo dhaafay ka dhacayay dalkaasi.

Hal qof ayaa ku dhintay ugu yaraan todobo kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay maqaayad ku taal duleedka Kampala 23-kii Oktoobar. Kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.