Warbaahinta Suuriya oo soo xigatay iloo wareedyo militariga ka tirsan ayaa sheegtay in qaraxyada ay ka dhasheen hub lagu qubay garoonka diyaaradaha militariga Mezzeh ee ku yaalla koonfur bari magaalada caasimmada ah ee Dhimishiq.
Warbaahinta ayaa sidoo kale sheegtay in qaraxyada ay ka dhasheen cilad ku timid koronto.
Dowladda Suuriya ayaa beenisay warar sheegaya in qaraxyo is xig-xigay oo ka dhacay garoonka diyaaradaha militariga ay ku leeyihiin magaalada Dhimishiq ay ka dambeeyeen diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Bishii May ayay ahayd markii Israa’iil ay weerartay saldhigyo militariga Iiraan ay ku lahaayeen gudaha Suuriya kaddibna Iiraan waxay gantaal ku tuurtay Israa’iil.














