Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay lagu qaaday xarumo ku yaalla gudaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Qoraal uu soo saaray aywuu ku muujiyay in Qaramada Midoobay si buuxda u garab taagan tahay una taageereyso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada
“Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska dhibbanayaasha, wuxuuna u rajeynayaa kuwa ku dhaawacmay caafimaad degdeg ah. Wuxuu ku baaqayaa in dambiilayaasha weerarka geystay cadaaladda la horkeeno.
Xoghayaha Guud wuxuu muujinayaa in Qaramada Midoobay si buuxda u garab taagan tahay una taageereyso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, waxayna mar kale xaqiijineysaa inay ka go’an tahay inay ku taageerto sidii nabad iyo amni loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya ayuu yiri” Antonio Guterres.
Dhinaca kale Warsaxaaafdeed kasoo baxay QM ayaa waxaa lagu yiri” Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed iyo dadkii kale ee xalay ka dhacay magaalada Beled Weyne. Waxa ay ka tacsiyeynaysaa dilkaas, waxa ayna Qaramada Midoobay soo dhowaynaysaa in baaritaan lagu sameeyo falkaas foosha xun, iyadoo ku baaqeysa in hannaanka doorashada dalka lagu soo gabagabeeyo si nabad ah oo ammaan ah.
Weerarkii shalay ka dhacay Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho & qaraxyadii xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne oo ay mas’uuliyidiisa sheegteen Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay geysteen khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.














