Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay in aan weli wax gargaar ah laga qaybin Qaza, in kasta oo baabuurta xamuulka ah ee gargaarka ay bilaabeen in ay ka gudbaan xadka ka dib 11 toddobaad oo xannibaado ah.
Saraakiisha Israa’iil ayaa sheegay in 93 baabuur oo xamuul ah ay galeen Qaza Talaadadii, kuwaas oo siday gargaar ay ka mid yihiin bur, cuntada caruurta, qalab caafimaad, iyo dawooyin.
QM ayaa intaa ku dartay in inkasta oo baabuurta xamuulka ah ay gaareen dhinaca Falastiiniyiinta ee Kerem Shalom aysan ilaa iyo hadda jirin wax gargaar ah oo la qaybiyay.
Afhayeenka xooghayaha guud ee QM Stephane Dujarric ayaa sheegay in kooxdu ay “sugeen dhowr saacadood” si ay Israa’iil ugu ogolaato inay galaan goobta, laakiin “nasiib darro, ma aysan awoodin inay sahaydaas soo geliyaan bakhaarkayaga”













