Kulan maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo ee xaruunta Gobolka Baay ee Maamulka Dowlad Gobedka Koonfur Galbed Soomaaliya ayaa waxa looga hadleyey si loo helo iskasshi iyo midnimo lagu xaqiijineyo qoondada haweenka 30% ay ku leeyihiin Baarlamaanka Fadaralka Somalia.
Kulanka waxa kasoo qeyb galey haweenka siyaasiyiinta, Ururada haweenka, haweenka gamacsatada, xirfadlayaasha oo ah haweenka Gobolka Baay, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Giboledka Koonfur Galbeed Somalia, iyo Maaqyada Deegaanada KG.
Kulanka ayaa loo qabtey haweenka iney ka tashtaan sidii loo soo dhicin lahaaa qoondada haweenka qeybaha ay la xiriirto iyo qorsho fulined waxaana soo qabanqaabiyey Urruurka haweenka Gobolka Baay, wazaarada haweenka iyo Ha’yada TNS.















