Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo ku xigeenkiisa ayaa xalay kulamo kala duwan kula yeeshay Magaalada Dhuusamareeb Guddiga doorashooyinka Qaranka oo dhawaan gaaray Magaaladaasi.
Kulankaan oo ka dhacay xarunta Madaxtooyadda Galmudug ayaa diirada lagu saaray sidii Galmudug door Muuqda ay uga qaadan laheyd doorashadda Soomaaliya ee sanadka soo socda iyo kan Dhamaadkiisa.
Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim iyo xubnaha kale ee Guddiga ayaa hoggaaminaayay Wafdiggaan gaaray Dhuusamareeb.














