Saraakiisha amniga ee dalka Pakistan ayaa sheegay inay dileen afar nin oo weerar ka gaysatay suuqa weyn ee sarifka eek u yaala Karachi.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in laba qof oo kale halkaas lagu dilay.
Masuuliyadda weerarka ayaa waxa sheegtay Ciidamada xornima-doonka ee Balochistan.
Dablayda weerarka gaysatay ayaa bam gacameed ku tuuray albaabka weyn ee dhismaha suuqa.














