Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqo joojin KMG ah ku sameeyay Agaasimihii Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kaddib markii uu ku qanci waayay jawaabta uu ka bixiyay kiiska Ikraan Tahliil.
Rooble ayaa xilkaas si KMG ah ugu magacaabay Agaasimihii hore ee NISA & Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac, Fahad waxaa xaanshida kasoo baxday Ra’iisul Wasaaraha lagu faray in uu xilka ku wareejiyo muddo 3-cishe ah.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida faray in uu baaris dhammeystiran ku sameeyo kiiska Ikraan Tahliil kaddibna loo gudbiyo maxkamadaha awoodda u leh arrintaan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa difaacay taliyaha Hay’adda Sirdoon iyo Nabad-sugidda Qaranka Fahad Yaasiin, wuxuuna amray inuu shaqadiisa sii wato, sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ka soo baxay madaxtooyda Villa Somalia.
Tallaabada Madaxweynaha ayaa kahor imaaneysa go’aankii Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble uu shaqada uga joojiyay Fahad Yaasiin, kaddib markii Ra’isul Wasaaruhu ku qanci waayay jawaabtii uu ka sugayay ee la xiriirtay geerida Ikraan Tahliil oo aheyd sarkaal ka tirsan hay’adda NISA.
Haddabada Rooble awood sharci ma u leeyahay shaqo joojinta agaasimaha NISA?
Ciise Dhoolo-Waa oo ah aqoonyahan ku xeel-dheer shuruucda sirdoonka, dastuurka iyo amniga, isla-markaana u waramay VOA ayaa ka hadlay sharciyan qodobada ay isku hayaan ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha oo markale fooda is daray, xilli lagu jiro kala guur.
1da May Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbad ka hor jeediyay xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka fedraalka Khudbadda madaxweynaha oo koobneyd waxa uu uga hadlay arrimo badan oo ay ugu horeeyaan qalalaasihii ka dhahcay magaalada Muqdisho iyo isku dhacyadii hubeysnaa ee dhexmaray ciidamada dowladda iyo mucaaradka.
Madaxweynaha ayaa carabka ku dhuftay in uu howlaha doorashada iyo amniga ku wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble,islamarkaana faray in uu ka soo baxo howshaas baaxadda leh.
Hadalkan ayaa ku soo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha ay isku qabteen shaqo joojinta uu Rooble ku sameeyey agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo uu horey ugu qabtay in 48 saac uu ku cadeeyo dilka Ikraan Tahliil Faarax.














