Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ku nuux-nuuxsaday in wada-tashigu uu yahay tiir muhiim ah oo ka mid ah mabaadi’da Islaamka, kana turjumaya dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed. Hadalkan ayuu ka jeediyay furitaanka Shirka Gogosha Wada-tashiga Qaran oo haatan ka socda magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in nidaamka doorasho dadban uusan dan u ahayn dalka, dadka Soomaaliyeed iyo nidaamka dowladnimo ee dalka, isagoo xusay in maanta ay Soomaaliya haysato fursad taariikhi ah oo ay kaga gudbi karto nidaamkii hore loona tallaabi karo doorasho ku saleysan qof iyo cod.
Sidoo kale, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xusay guulaha muhiimka ah ee xukuumadda Dan-Qaran ay gaartay muddo saddex sano ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
-
Qaadista cunaqabataynta hubka,
-
Dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta,
-
Hanaanka deyn cafinta,
-
Soo kabashada dhaqaalaha,
-
Booqashadii Laascaanood,
-
Iyo abaabulka gogosha wada-tashiga Qaran ee hadda socda.
Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa tilmaamay in midnimada Soomaaliyeed ay tahay furaha horumarka dalka, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ay tahay waxa kaliya ee lagu gaari karo dowladnimo xooggan iyo sumcad caalami ah, meel kasta oo dalka laga joogo – waqooyi iyo koonfurba.
Shirka Gogosha Wada-tashiga Qaran oo shalay si rasmi ah uu u furay Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa in la soo gunaanado maalinta Arbacada ee berri.














