Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad oo ka qeybgalay Munaasabadda howlgelinta Hey’adda (SARIS)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay munaasabad rasmi ah oo lagu howlgelinayey Hey’adda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha (SARIS), taas oo dhowaan sharcigeeda ay ansixiyeen goleyaasha sharci dejinta Qaranka.

Mudane Jibriil ayaa khudbaddiisa ku bogaadiyey Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka iyo dhammaan howlwadeennada ka shaqeynayay dhismaha iyo howlgelinta hey’addan, isaga oo tilmaamay in SARIS ay tahay hey’ad muhiim u ah beeraleyda Soomaaliyeed, maadaama ay u fududaynayso helidda adeegyo sharciyeysan oo lagu kalsoonaan karo, oo ay kamid yihiin hubinta tayada abuurka, dawooyinka dhirta iyo qalabka beeraha dalka la keenayo, iyo sidoo kale hubinta badeecadaha la dhoofinayo, si loo ilaaliyo sumcadda iyo waxtarka wax-soo-saarka dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa xusay in horumarinta iyo ilaalinta beeraha ay tahay laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, loona baahan yahay in si gaar ah loo xoojiyo iskaashiga dowladdu la leedahay beeraleyda iyo ganacsatada, si loo gaaro isbeddel muuqda oo wax ku ool ah. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in hey’addu ay kaalin muuqata ka qaadan doonto dhiirrigelinta wax-soo-saarka gudaha, yaraynta ku tiirsanaanta dalagga dibadda, iyo sare u qaadidda dakhliga dalka.

Ugu dambayn, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi wuxuu ku dhiirrigeliyay dhammaan hay’adaha dowladda, maamulka heer gobol iyo heer degmo, iyo beeraleyda Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan SARIS, si loo xaqiijiyo ujeeddooyinka la hiigsanayo ee lagu horumarinayo wax-soo-saarka beeraha iyo ilaalinta tayadiisa, taas oo ah tallaabo muhiim u ah sugidda amniga cuntada, horumarinta dhaqaalaha, iyo abuurista fursado shaqo oo badan oo dalka gudihiisa ah.