Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan la Qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan ballaaran la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa socdaalka uu Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenku ku marayo dalka Mareykanka, waxaana uu bulshada Soomaaliyeed uga warbixiyay horumarka iyo guulaha ay gaartay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa caddeeyay in Xukuumadda DanQaran ay dadaallo xooggan ku bixisay dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo horumarinta adeegyada bulshada, taas oo qeyb ka ah qorshaha dowladda ee lagu dhisayo Soomaaliya cusub oo leh amni iyo horumar waara.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa sidoo kale ku ammaanay doorka muhiimka ah ee qurbajoogta Soomaaliyeed ay ka qaataan horumarka dalka, isagoo xusay sida ay bulshada dibadda ku nool u taageeraan dadka gudaha ku dhaqan, xilliyada adag iyo xaaladaha baahiyaha degdegga ah.

Ugu dambeyn, Mudane Saalax ayaa ku dhiirrigeliyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota in ay sii xoojiyaan kaalintooda, isla markaana ay maalgashadaan dalkooda hooyo, si loo abuuro fursado shaqo, horumar iyo nolol wanaagsan oo ku wajahan shacabka Soomaaliyeed.