Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Muhiim ah la qaatay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Sevilla ee dalka Spain kulan doceed muhiim ah kula yeeshay Marwo Amina Mohamed, oo ah Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, xilli uu halkaas ka socdo Shirka Caalamiga ah ee Maalgelinta Horumarinta (Global Forum on Development Financing).

Kulankan sare ayaa si qoto dheer loogu lafa guray arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan: xoojinta iskaashiga labo geesoodka ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, taageerada horumarinta dhaqaalaha dalka, iyo dardargelinta mashaariicda waaweyn ee la xiriira nabadda iyo horumarka waara.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa si gaar ah uga mahadceliyey Marwo Amina Mohamed doorkii muuqday iyo taageerada joogtada ah ee ay Qaramada Midoobay siisay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, nabadeynta, iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah. Wuxuu si gaar ah u adkeeyay in muhiimad weyn ay leedahay dardargelinta fulinta mashaariicda horumarineed, si ay si toos ah uga qayb qaataan kobaca dhaqaalaha, abuurista fursado shaqo, iyo xasilloonida guud ee dalka.

Intii uu socday kulanku, labada mas’uul waxay isla meel dhigeen in xiriirka wada-shaqeyn ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay la ballaariyo loona jihaysto in uu noqdo mid miro-dhal ah, isla markaana wax ka taraya baahiyaha degdegga ah ee bulshada Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ujeedkoodu yahay kor u qaadista xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi dhaqaale, si loo helo taageero caalami ah oo kaalin ka qaadata yaraynta saboolnimada, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo in la xaqiijiyo horumar waara oo la taaban karo.