Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo La Kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee IOM, Marwo Ugochi Daniels

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hey’adda Socdaalka Adduunka (IOM), Marwo Ugochi Daniels. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee IOM ka fuliso gudaha dalka Soomaaliya.

Labada mas’uul waxay si qoto dheer uga wada hadleen:

  • Harmonization-ka barnaamijyada IOM iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Soomaaliya (NTP 2025–2029)

  • Sii xoojinta taageerada IOM ee dhinacyada horumarinta, xasillinta, iyo ka jawaabista baahiyaha bulshada

  • Dardargelinta fulinta mashaariic waxtar u leh shacabka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay IOM, isagoo si gaar ah u muujiyay qadarin iyo bogaadin ku aaddan doorka ay ka ciyaartay hay’addu taageerada ay siisay Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay. Waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in IOM ay sii labanlaabto kaalinteeda ku aaddan hirgelinta barnaamijyo wax ku ool ah oo la jaanqaadaya himilooyinka horumarineed ee dowladda Soomaaliyeed.

Dhankeeda, Marwo Ugochi Daniels, oo ah Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada IOM, ayaa sheegtay in hay’adda ay ka go’an tahay sii wadidda iskaashi buuxa iyo ballaarinta taageerada la siiyo Soomaaliya. Waxay tilmaantay in IOM ay mudnaan gaar ah siineyso barnaamijyada xasillinta, horumarinta bulshooyinka nugul, iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dadka barakacayaasha ah.

Kulankan ayaa muujinaya sida ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo IOM ugu heellan yihiin wada shaqeyn miro dhal ah, taasoo horseedi karta fulinta mashaariic si toos ah u taabanaya baahiyaha shacabka, kana tarjumaya qorshayaasha horumarineed ee dowladda ee 2025 ilaa 2029.