Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibraahima Diene, iyo ku-xigeenkiisa, Mudane Mouktar Ousman Karie.
Kulankan sare ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika, gaar ahaan la-tashiyada ku saabsan howlgalka AUSSOM oo beddelay AMISOM, iyo kaalinta ciidamada Midowga Afrika ee sugidda amniga iyo xasilinta dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa intii uu socday kulanka warbixin kooban ka siiyey Danjiraha cusub xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan howlgalada socda ee lagula dagaallamayo kooxaha Khawaarijta ah. Waxa uu sidoo kale xusay guulaha muhiimka ah ee laga gaaray la-dagaallanka argagixisada, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay doorka muhiimka ah ee ciidamada Midowga Afrika ay ka qaadanayaan sugidda amniga Soomaaliya.
Danjire El Hadji Ibraahima, oo dhawaan la magacaabay, ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha soo dhoweynta diirran iyo qaabilaadda sharafta leh. Waxa uu muujiyay sida uu u qadarinayo dadaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan amniga, nabadeynta iyo dib-u-dhiska dalka. Danjiraha ayaa carrabka ku adkeeyay in Midowga Afrika ay si buuxda uga go’an tahay taageeridda qorshaha kala-guurka ee ciidamada Soomaaliya ay si buuxda ugu wareegayaan masuuliyadda amniga dalka.














