Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu daah-furayay Hiigsiga Qarni-jirka 2060, taas oo ah aragti fog oo uu curiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Hiigsigan Qaran ee 2060 ayaa ah qorshe istaraatiiji ah oo ay Soomaaliya ku haminayso inay ku gaarto horumar ballaaran oo dhan walba ah marka la gaaro sannadka 2060. Qorshahan wuxuu ka kooban yahay 7 qorshe oo Qaran, mid walba oo soconaya shan sano, kuwaasoo is xigxiga.
Ujeedada guud ee Hiigsiga 2060 waa in Soomaaliya noqoto dal mideysan, leh hannaan dowladeed oo xooggan, amni sugan, dhaqaale kobcanaya, bulsho isku filan, iyo ka mid noqoshada waddamada leh dakhliga dhexe ee sare, marka la gaaro dhammaadka sanadkan bartilmaameedka ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbadiisa ku adkeeyay muhiimadda uu qorshahani u leeyahay jiilasha mustaqbalka, isagoo xusay in loo baahan yahay in hay’adaha dowladda, shacabka, iyo saaxiibada caalamiga ah ay wadajir uga shaqeeyaan sidii loo hirgelin lahaa yoolasha aragtidan.
Hiigsiga Qarni-jirka 2060 ayaa la filayaa inuu saldhig u noqdo dhammaan qorshayaasha horumarineed ee dowladda Soomaaliyeed, iyadoo la tixgelinayo duruufaha jira, fursadaha horumarineed, iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.














