Ra”iisulwasaaraha XFS oo si rasmi ah u furay Imtixaanka fasalada 12-aad

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad ee sanad-dugsiyeedka 2024/2025, iyadoo ay si isku mid ah imtixaanka uga bilaabmeen gobollada iyo degmooyinka dalka oo dhan.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Federaalka ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in sanadkan imtixaanka ay ka qeyb galayaan 39,397 arday, kuwaas oo laga kala diiwaan-geliyay dhamaan maamul-goboleedyada dalka. Imtixaanku wuxuu muhiim u yahay heerarka tacliinta sare iyo qorshaha horumarinta waxbarashada ee dowladda Federaalka.

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa si adag u sugaya amniga dhammaan xarumaha lagu gelayo imtixaanka, iyagoo xaqiijinaya jawi deggan, ammaan ah oo ardaydu si xor ah ugu gudan karaan imtixaankooda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay ciidamada Booliiska, isagoo sheegay inay ciidamada ay sugayaan amniga guud ee dalka

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale u diray hambalyo iyo bogaadin ardayda Soomaaliyeed ee imtixaanka u fadhiistay, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay si kalsooni leh u galaan, una istaagaan mas’uuliyadda cilmiga iyo horumarinta dalkooda.

Daahfurka imtixaanka qaranka ee fasalka 12-aad wuxuu muujinayaa tallaabo muhiim ah oo ku aaddan dib-u-habeynta nidaamka waxbarashada Soomaaliya. Iskaashiga ka dhaxeeya dowladda, ciidamada amniga iyo shacabka ayaa sare u qaadaya kalsoonida lagu qabo hannaanka tacliimeed ee dalka. Waqtiyada imtixaanka, amniga, diyaar-garowga iyo hufnaanta ayaa ah qodobbada ugu muhiimsan ee lagu qiimeeyo horumarka waxbarashada Soomaaliyeed.