Raila oo la kulmay Soomaalida

Hoggaamiyaha isbaheysiga mucaaradka ah ee Kenya, Raila Odinga ayaa maanta la kulmay qaar ka tirsan ganacsatada soomaaliyeed ee dalka Kenya.

Ganacsatada ayaa waxay mr Odinga usoo bandhigeen cabashadooda iyo dhibaatoyinka ay kala kulmaan xaafada islii iyadoo adeegyada qaar ay ka maqanyihiin islii.

Raila ayaa dhankiisa sheegay in uu ganacsatada kala shaqeyn doono sidii wax looga qaban laha cabashadooda islamarkaasina uu dowladda la wadaagi doono.

Waxaa kaloo uu uga mahadceliyay sida dalka Kenya ay u maalgaliyeen.