Rooble oo Amar deg deg ah siiyay taliyaha NISA

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay kiiska Ikraan Tahaliil Faarax, oo dhawaan NISA ay sheegtay in ay dileen Shabaab.

Rooble ayaa sheegay in aan lagu qanci karin xogtii Hay’adda Nabad Sugidda ay soo bandhigtay aan la aqbali karin.

Waxaa uu faray Agaasimaha NISA in uu 48 saac gudohood ku soo gudbiyo warbixin dhammeystiran si tilaabo looga qaado kuwii ka dambeeyay falkaasi.

Rooble ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay is dajiyaan.