Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay bulshada kunool deegaanada maamulka Galmudug in ay joojiyaan colaada laga hurinaayo degmada Guriceel.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo la hadlayay dadka kunool degmada Baraawe ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in 30 sano ka dib ay dagaallo ka dhacaan meelo ka mid ah Soomaaliya.
Wuxuu caddeeyay in dowladda dhexe ay taageeri doonto dadaallada nabada ee ka socda Galmudug.
Ra’lisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa deeq dawo ah gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaaladad Baraawe, isagoo sheegay in u dhawaan isbitaalka soo gaar doono gaari lagu qaado bukaannada, una ballan qaaday in la dabooi doono baahiyaha deg degga ah ee isbitaalka.














