Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadsa xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax oo ay wehliyaan Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan ehelada Ikraan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay Ehellada Ikraan dareenkiisa iyo sida uu uga xun yahay dhibka ku dhacay gabadhooda oo NISA sheegtay inay dileen Al-Shabaab balse Al-Shabaab ay iska fogeeyeen.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale u xaqiijiyay qoyska Ikraan sida ay uga go’an tahay ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Roible waxaa uu ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afdduubtay.
Kulanka ayaa yimid 24 saac kadib markii uu Rooble sheegay inuusan ku qancin warbixinta NISA ay ku sheegtay in Al-Shabaab ay dileen Ikraan, uuna ka dalbaday in 48 saac ay ugu soo gudbiyaan warbixinta dhameystiran.
Rooble ayaa sheegay in kadib 48 saac uu go’aan ka gaari doono tallaabada uu qaadayo ee la xiriirta kiiska Ikraan.














