Wafddi ballaaran oo uu hoggaaminayo ra’iisul Wasaaraha DFS ayaa goor dhow ka amba baxay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho,iyagoo ku sii jeeda magaalada Garoowe.
Wafdiga uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ay halkaasi ka dhagax dhigi doonaan Mashaariic loogu tala galay in Puntland lagu hormariyo.
Waxaa uu sidoo kale ka qeyb gali doonaa Xafladda Sanadguuradii kasoo wareegatay Markii la Aas Aasay Maamulka Puntland.
Waxaa lagu waddaa sidoo kale in uu taggo Magaalooyin kale oo ku yaalla Puntland.
Ra’iisul Wasaare Kheyre waa Markii ugu horreysay oo uu taggo Puntland tan iyo intii uu noqday Ra’isul Wasaare.














