Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa saxiixay heshiiska laga gaaray murankii ka taagnaa qabashada doorashooyinka dalka.
Qoraal goor dhow uu baahiyey xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada dalka & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa saxiixay heshiis ku aaddan doorashooyinka dalka, iyadoo maanta la soo xirayo Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socday Muqdisho.”
Intaasi kadib wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa Warbaahinta u akhriyay heshiiska doorashada ee lagu gaaray Shirka Teendhada Afisiyooni uga socday














