Magaalada muqdisho ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo si gaar ah xerada Afisyooni shirka gollaha Wadatashiga Qaran kaas oo uu Ra’iisul Wasaare Rooble uu iclaamiyay.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, iyadoo looga arrinsan doono u diyaar garowga doorashooyinka aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, raadinta dhaqaalaha dhiman ee doorashooyinka ku baxaya iyo sidii horey loo sii socon lahaa.
Madaxweyneyaasha dowladd Gobolaydyada Jubbaland, Hir-shabeelle, Koofur Galbeed, iyo Galmudug ayaa ku sugan muqdisho, kuwaas oo ka qeyb galaya shirka gollaha Wadatashiga qaran, iyadoo Madaxweynaha Puntaland Saciid Cabdullaahi Deni uu ka maqan yahay muqdisho, kaas oo filaayo in uu goordhow yimaado.














