RW Rooble oo dhigiisa Qatar kala hadlay iskaashiga labada dal

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa dalka Qatar, waxaana uu kala hadlay xoojinta xiriirka labada iyo wada shaqeynta labada Xafiis.

Rooble ayaa sidoo kale kala hadlay dowladda Qatar sidii ay u sii wadi laheyd taageerada dhaqaalle iyo mida horumarineed ee ay siinaysay Soomaaliya Afartii sano ee lasoo dhaafay.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo dhiggiisa Dalka Qatar Sheikh Khaalid Bin Khalifa Bin Cabdilcaziz Aala Taani, oo khadka telefoonka ku wada xiriiray ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska Rooble.

Dowladda Qatar ayaa ka mid ahaa dowladdaha sida weyn u taageera Soomaaliya gaar ahaan xukuumadda hadda jirta , waxaana dhowr jeer lagu eedeeyay in ay faraha kula jirto Arimaha Siyaasadda Soomaaliya.