Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirweynaha Koowaad ee Bahda Caddaalladda dalka, oo looga hadlayo horumarinta sharciga, isla xisaabtanka, iyo xoojinta kalsoonida ay bulshadu ku qabaan hey’adaha garsoorka.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad dowlad-dhis ah, isla markaana loo baahan yahay garsoor madax-bannaan, hufan, oo daboolaya baahida shacabka, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo sarreynta sharciga, lana tayeeyo hey’adaha caddaaladda, si loo helo garsoor lagu kalsoon yahay oo horseeda nabad waarta, iyo dowladnimo sal-adag leh.
Waxa uu intaas raaciyey in garsoorka uu muhiim u yahay doorasho xor ah caddaalad ah iyo xoojinta dimuqraadiyadda iyo kalsoonida shacabka, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaanta siinayso dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah.














