RW Xasan cali Kheyre oo ku wajahan Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa in uu Gelinka dambe ee Maanra ah gaaro Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Keyre ayaa qorshuhu ahaa in uu Dhuusamareeb tago 28-kii Bishaan,hayeeshee uu uga baaqsaday sababo la xiriira qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Maalma ka hor waxaa dhuusamareeb tegay qaar kamid ah Ilaaladiisa gaarka ah iyo Shaqaalaha xafiiskiisa ,waxaana aad loo adkeeyey Amniga Guud ee Magaalada Dhuusamareeb oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa in kulamo kala duwan uu la qaato Xubnaha Hoggaanka Ahlusunna iyo qeybaha kala duwan ee bulshada,waxaana u jeedka safarkiisa uu yahay in uu la socdo habka xulista Xildhibaannada Galmudug.

Sidoo kale Dhuusmareeb dib ugu laabtay Macalin Maxamuud oo kamid ah hoggaamiyeyaasha ugu sareeya Hoggaanka Ahlusunna Wal-Jamaaca oo la filayo inay kulamo wada qaataan Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Labadii todobaad ee la soo dhaafay waxaa jirtay cabasho ay muujinayeen Beelaha qaar ee Galmudug oo sheegay in Xubnaha qaar oo ay ku lahaayeen Baarlamaanka Galmudug la siiyey Urur gaar ah ayna kamid yihiin 20 Xildhibaan ee la siiyey Ahlusunna Wal-Jamaaca.