Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa war-saxaafadeed adag oo ay si wadajir ah ugu soo saareen magaalada Garoowe ku dhaliilay dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay in Villa Soomaaliya ay si xadgudub ah u adeegsatay awoodaha Federaalka si loo wiiqo madax-bannaanida dowlad-goboleedyada mucaaradsan aragtida dowladda dhexe.
Labada Madaxweyne ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay maamulka hawada Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay dowladda dhexe inay si sharci-darro ah u takri-fashay maamulka hawada. Waxay sheegeen inay arrintan cabashadeeda si rasmi ah ugu gudbiyeen hay’adda ICAO ee Qaramada Midoobay.
Sidoo kale, Deni iyo Axmed Madoobe waxay si adag u cambaareeyeen isbeddelka lagu sameeyay Dastuurka Kumeelgaarka ah, iyagoo tilmaamay in wax kasta oo ka soo baxay arrintaasi ay yihiin “waxba kama jiraan” haddii aysan ku iman wadatashi qaran iyo heshiis siyaasadeed oo ballaaran.
War-murtiyeedka waxaa sidoo kale lagu muujiyay taageero buuxda oo la siiyay Madasha Samatabixinta Qaranka, oo ay ku midoobeen siyaasiyiin mucaarad ah oo u ololeeya in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah, hufan, wakhtigeeda ku dhacda, loona siman yahay dhammaan dhinacyada.
Deni iyo Axmed Madoobe waxay ugu baaqeen beesha caalamka inay si toos ah ula macaamilaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka – iyaga oo xusay in ilaa iyo inta laga gaarayo heshiis dhammeystiran oo ku saabsan qeybsiga kheyraadka, ay dowlad-goboleedyadu xaq u leeyihiin xiriir toos ah iyo taageero gaar ah.
War-murtiyeedka ayaa lagu xusay in haddii laga dhega-furo baaqyada dowlad-goboleedyada, ay Puntland iyo Jubbaland qaadan doonaan go’aammo dastuurkooda waafaqsan si ay u difaacaan awoodahooda maamul iyo madax-bannaanidooda.
War-murtiyeedkan ayaa muujinaya sii xoogeynta khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, taasoo u muuqata mid dib u soo nooleyn karta dooddii ku saabsan habka Federaalka, masiirka dastuurka KMG ah iyo wadajirka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.














