Safiirka Turkiga oo Ku Dhawaaqay Taageero Cusub oo Loo Fidiyay Soomaaliya si Looga Hortago Kaluumaysiga Sharci-darrada ah

Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, ayaa maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka kaluumaysiga Soomaaliya, isaga oo si qoto dheer uga hadlay doorka Turkiga ee taageerada Soomaaliya, gaar ahaan xagga amniga badda iyo horumarinta kaabeyaasha dowladda.

Safiirka ayaa shaaciyay in sanadkan gudihiisa ay dowladda Turkigu Soomaaliya keeni doonto doomaha dheereeya ee loogu talagalay ciidanka ilaalinta xeebaha, si wax looga qabto kaluumaysiga sharci-darrada ah ee si joogto ah u saameeya kheyraadka dabiiciga ah ee badda Soomaaliya. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah istiraatiijiyadda labada dal ee iskaashiga dhanka badda.

Intaas waxaa uu raaciyay in ay socdaan hawlo horumarineed oo ay Turkigu ka wadaan gudaha Soomaaliya, oo uu ka mid yahay dhismaha saldhig Dayax-gacmeed, isaga oo xusay in dalkiisu horey uga dhisay Soomaaliya safaaradda ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay caalamka, saldhig milatari oo heer caalami ah, iyo isbitaallada ugu waaweyn ee ku yaal Geeska Afrika.

Marka ay timaado dhanka milatariga, Safiir Alper Aktaş wuxuu sheegay in, inkasta oo dad badani aysan horey u rumeysan karin, haddana maanta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee Turkigu leeyahay ay qayb weyn ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Khawaarijta ee gudaha Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale xusay in mustaqbalka dhow, la filayo in la kordhiyo taageerada ay Turkey siiso ciidanka Soomaaliya, taasoo laga yaabo in ay ku jirto diyaaradaha dagaalka nooca T129 iyo hub kale oo casri ah.

“Sanad ka hor dadku ma rumaysan karin in Turkigu diyaarado dagaal u adeegsado taageerada Soomaaliya, balse maanta waa ay dhacday. Dhawaana, waxaan rumeysanahay in argagixisada laga cirib tiri doono Soomaaliya,” ayuu yiri Safiirka.

Ugu dambeyn, Safiir Alper Aktaş wuxuu si cad u sheegay in Turkey weli yahay saaxiibka ugu weyn ee taageera Soomaaliya, isaga oo ka digay dacaayado uu sheegay in ay wadaan kooxo dano gaar ah leh oo isku dayaya in ay marin habaabiyaan xiriirka labada dal. Wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in aysan dhagaysan dacaayadaha, balse ay eegaan waxqabadka iyo taageerada muuqata ee Turkigu la garab taagan yahay Soomaaliya.

Khudbadda Safiirka ayaa u muuqatay mid sare u qaaday rajooyinka ku aaddan iskaashiga Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan la dagaalanka kalluumaysiga sharci darrada ah, argagixisada iyo horumarinta adeegyada muhiimka ah ee dalka.