Safiiro Soomaaliyeed oo dibada ku dagaalamaya.

Khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhexeeya safaaradaha Soomaaliya ee Kenya iyo Tanzania ayaa soo shaac baxay, kaasi oo salka ku haya arrimo la xiriira safar ganacsi oo wafdi isugu jira Soomaali iyo Kenyan ay ku tageen dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Khilaafkan ayaa si rasmi ah u soo ifbaxay kadib markii Safaaradda Soomaaliya ee dalka Tanzania ay warqad cabasho ah u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, iyada oo ku eedeysay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya inay si sharci-darro ah u abaabushay safarkaasi ganacsi. Qoraalka safaaradda Tanzania ayaa si cad u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si gaar ah mas’uuliyad diblomaasiyadeed uga saaran tahay arrimaha la xiriira dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka DRC, taas oo ay sheegtay in si gaar ah loo igmaday safaaraddooda inay arrimahaasi kala shaqeyso dowladda Congo.

Sida ku xusan qoraalka safaaradda Tanzania, Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa hoggaaminayay wafdiga ganacsatada, balse aan wax xog-ogaalnimo ah la wadaagin safaaradda Tanzania, taas oo ah safaaradda si rasmi ah u metasha Soomaaliya ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid si toos ah uga hor imaanaysa xeerarka diblomaasiyadeed ee caalamiga ah iyo nidaamka shaqo ee ay dejisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa si degdeg ah uga jawaabtay eedeymahaas, iyada oo war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in safarka uu ahaa mid si qorshaysan u dhacay, laguna saleeyay wada-hadallo ganacsi oo muddo ku dhow hal sano socday. Safaaradda ayaa xustay in wafdiga ganacsatada si rasmi ah loogusoo dhaweeyay magaalada Kinshasa, isla markaana kulamo muhiim ah la yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda DRC, hay’adaha bixiya rukhsadaha ganacsiga, iyo shirkado waaweyn oo ku shaqeeya dhaqaale, shidaal iyo ganacsi.

Waxay sidoo kale safaaradda Kenya ku adkaysatay in dadaalladan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo fursadaha ganacsi ee ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan ama doonaya inay ka howlgalaan gudaha qaaradda Afrika, gaar ahaan wadamada xubnaha ka ah Ururka Bariga Afrika (EAC). Waxaa qoraalka lagu xusay in ku biiritaanka rasmiga ah ee Soomaaliya ee ururka EAC uu furnaansho u sameeyay ganacsiga, islamarkaana la doonayo in laga faa’iideysto fursadahaasi.

Intaas waxaa dheer, safaaraddu waxay sheegtay inay horay guul diblomaasiyadeed uga gaartay dalka DRC, iyada oo ka shaqeysay siideynta ganacsato Soomaaliyeed oo si sharci-darro ah loogu xiray gudaha Congo, taas oo ay ku tilmaantay mid kamid ah guulaha ay safaaraddu ka gaartay difaaca danaha ganacsatada Soomaaliyeed.

Wafdiga uu hoggaaminayay Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa inta ay joogeen magaalada Kinshasa la kulmay madax sare oo katirsan dowladda DRC, xubno ka socda wasaaradaha maaliyadda, ganacsiga, iyo shirkado waaweyn oo laga leeyahay gudaha Congo. Waxaa sidoo kale la kulmeen ganacsatada Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool, waxaana si qoto dheer looga wada hadlay caqabadaha ay la kulmaan iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

Khilaafkan diblomaasiyadeed ee cirka isku shareeray ayaa banaanka keenay kala aragti duwanaanta iyo is-faham la’aanta ka dhex jirta safaaradaha Soomaaliya ee qaaradda Afrika, gaar ahaan dhanka mas’uuliyadda iyo hab-raaca fulinta howlaha diblomaasiyadeed ee ay safaaraduhu ku matalaan dalka Soomaaliya.