Saldhig cusub oo magaalada Kismaayo laga furey

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray saldhigga cusub ee dhexe ee magaalada Kismaayo, kaas oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyay, si buuxdana u beddelaya saldhiggii hore ee magaalada oo ahaa mid qadiimi ah oo muddo ka badan qarni jiray.

Saldhiggan cusub, oo si casri ah loo dhisay, ayaa loogu talagalay inuu noqdo xarun muhiim u ah sugidda amniga gudaha ee Kismaayo iyo guud ahaan gobolka Jubbada Hoose. Dib-u-dhiska xarunta ayaa lagu tilmaamay horumar muuqda oo lagu xoojinayo awoodda booliska deegaanka, iyadoo la adeegsanayo qalab iyo kaabeyaasha cusub ee la jaan qaadaya baahiyaha amni ee waqtigan.

Munaasabadda xarig-jarka ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Jubaland, wasiirro, xildhibaanno, saraakiil ciidan, iyo xubno matalayay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah. Dadka kasoo qeyb galay munaasabadda ayaa muujiyay taageero iyo bogaadin ku aaddan tallaabada lagu xoojinayo kaabeyaasha nabadgelyada gobolka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale furay xarunta qaybta booliska gobolka Jubbada Hoose, taas oo iyaduna dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyay, kaddib burburkii baahsanaa ee horey u gaaray. Dib-u-dhiska xaruntaasi ayaa loo arkaa mid muhiim u ah la dagaallanka dambiyada iyo xaqiijinta nabadda, iyadoo qayb muhiim ah ka qaadan doonta kor u qaadidda kalsoonida bulshada ee hay’adaha amniga.

Furitaanka saldhiggan cusub iyo xarunta qaybta gobolka ayaa imanaya xilli Jubaland ay dadaal xooggan ugu jirto dib-u-habaynta hay’adaha amniga, iyadoo dowlad-goboleedku uu bartilmaameedsanayo in la dhiso ciidamo boolis oo tayo leh, karti u leh inay ka jawaabaan baahiyaha amni ee bulshada.