Saraakiil Kenyan ah oo Jubaland tagay.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Difaaca Kenya (KDF), General David Keter, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad-goboleedka Jubbaland, isaga oo sidoo kale gaaray magaalooyinka muhiimka ah ee Dhobley iyo Afmadow oo dhammaantood ku yaalla gobolka Jubbada Hoose. Booqashadiisa ayaa la xiriirtay dardargelinta xiriirka ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM, iyo qiimeynta xaalada amniga ee gobolka.

Intii uu ku sugnaa saldhigyadaasi, Taliye Keter wuxuu kulan la qaatay saraakiisha sar sare ee ciidamada Kenya ee ku sugan halkaasi, wuxuuna warbixino dhameystiran ka dhageystay taliyeyaasha saldhigyada iyo hoggaanka howlgalka AUSSOM. Waxa uu si gaar ah u xusay geesinimada iyo adkaysiga ciidamada Kenya ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in Kenya aysan marnaba ka laaban doonin mowqifkeeda ku aaddan la dagaallanka argagixisada.

General Keter ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay sida ay dowladda Kenya uga go’an tahay inay sii wado taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan muddadan xasaasiga ah ee uu dalka galayo kala-guurka amni ee lagu wareejinayo mas’uuliyadda sugidda amniga ciidamada Soomaaliya, kadib bixitaanka ATMIS. Wuxuu carabka ku dhuftay in xoojinta howlgalka AUSSOM ee gudaha Jubbaland ay qayb ka tahay qorshe ballaaran oo Kenya ugu jirto xasillinta guud ee Geeska Afrika.

Booqashada Taliyaha KDF ayaa kusoo beegmaysa xilli xaalad siyaasadeed iyo mid amni ay ka taagan tahay qaybo ka mid ah Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo. Ilo xog-ogaal ah oo muhiim ah ayaa xaqiijiyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidan cusub u dirtay degmada Beledxaawo, kuwaas oo laga qaaday magaalada Muqdisho, si ay u xoojiyaan ciidamada dowladda ee horay u joogay halkaasi. Tallaabadan ayaa si weyn loo eegayaa iyadoo la ogyahay xiisadda siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka taagneyd gobolkaas.

Degmada Beledxaawo ayaa muddo dheer ahayd bartamaha muran xooggan oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland. Khilaafkan ayaa salka ku haya arrimo dhowr ah, oo ay ugu muhiimsan yihiin damaca Villa Soomaaliya ee ku aaddan kuraasta Baarlamaanka Federaalka ee kasoo gala gobolka Gedo, iyo sidoo kale cidda xaq u leh magacaabista guddiga doorashada gobolkaasi. Dooddaasi ayaa keentay kala shaki siyaasadeed iyo loollan xooggan oo saameeyay ammaanka iyo maamulka degmada.

Xaaladda Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo, ayaa hadda u muuqata mid u baahan xal diblomaasiyadeed oo degdeg ah, iyadoo la tixgelinayo in khilaafaadka jira ay saameyn ku yeelan karaan dadaallada lagu sugayo xasilloonida guud ee dalka iyo hirgelinta howlgalka AUSSOM. Booqashada Taliye Keter iyo dhaqdhaqaaqyada ciidamada federaalka ayaa noqday calaamado muujinaya in gobolka uu marayo xaalad xasaasi ah oo ay tahay in si qoto dheer loo fahmo.