Saraakiil lagu dilay weerar Isqarxin ahaa

Ugu yaraan 4 Sarkaal oo ka tirsanaa Waaxda Dembi-Baarista ee dalka Libya ayaa lagu dilay Qarax gaari miineysan oo ka dhacay Bar Kontorool oo ku taalla magaallaada Sabha ee Koonfurta dalkaasi.

Madixii Waaxda Dembi-Baarista Booliska ee Sabha, Ibraahim C/Nebi ayaa ka mid ahaa dadkii lagu dilay Qaraxaasi.

Ma jirto Koox sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi.