Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Amb.Dr. Ali Said Fiqi oo uu Wehlinayo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Ibraahim Abduqaadir Maxamed Baafo ayaa kulan miradhal ahaa la qaatay Sarakiil kasocday Dowlada Mareykanka Qeybta Taliska u ah Belidoogle oo Maanta Baydhabo Soo gaaray,
ujeedada Kulanka ayaa waxaa uu ahaa sidii Kooxda Nabadiidka Al shabab looga sifeyn lahaa Guud ahaan Gobolka Shabeellaha hoose iyo Sidii Dowladda Mareykanka Gacan uga siin lahaayeen Dowlad Goboleedka KGS Tababar iyo Tayeenta Ciidamada qeybta 60aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Golaha Wakiilada – KGS
























