Saraakiisha sugeysey amniga todobaadka xoriyadda oo la abaalmariyey.

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ayaa si weyn uga qaybgalay munaasabadda dhiirrigelinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee kasoo shaqeeyay qabsoomidda xuska Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada. Munaasabaddan ayaa lagu qabtay jawi sharaf iyo bogaadin leh, iyadoo la xusay kaalinta muhiimka ah ee ciidamada booliska ay ka qaateen sugidda amniga iyo qabanqaabada munaasabadahaasi qaran.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, oo ka hadlay munaasabadda ayaa si weyn u bogaadiyay ciidamada booliska, isagoo xusay dadaalkooda iyo hawlgalka wax ku oolka ah ee ay ku guuleysteen in ay xuska Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ka dhigaan mid nabdoon oo habsami leh. Taliyaha ayaa ku booriyay ciidamada in ay sii wadaan dadaalkaasi iyo ilaalinta amniga guud ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh, oo soo xiray munaasabadda ayaa sidoo kale ku bogaadiyay ciidamada booliska kaalintii aan la illaawi karinayd ee ay ka qaateen qabanqaabada iyo sugidda amniga guud ee dalka. Wasiirka ayaa sheegay in dadaalka ciidamada booliska uu door muhiim ah ka ciyaaray xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida xuska qaran.

Intaa kadib, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Taliyaha Booliska Sarreeye Guuto Asad Diyaano, iyo Wasiiru Dowlaha Amniga ayaa si wadajir ah u guddoonsiiyay shahaado sharaf dhammaan ciidamada booliska ee kasoo shaqeeyay qabsoomidda iyo sugidda munaasabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada. Shahaadooyinkan ayaa qeyb ka ah dhiirrigelinta iyo aqoonsiga hawlgallada qiimaha leh ee ciidamada booliska Soomaaliyeed.