Sarkaal lagu dilay Magaalada Muqdisho

Dilkaan ayaa waxaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed loogu geystay Isgoyska Tarabuunka Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaas oo Magaciisa lagu soo koobay Feyte.

Dilka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dambeeyay Nin ku hubeysnaa qori AK47 iyo boosh, kaasoo dilka ka dibna ka baxsaday goobtaasi,sida ay Risaala u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Sarkaalka ka tirsan Ciidanka Booliska xilliga la dilayay uu watay Gaari yar oo nooca raaxad ah,waxaana gaaray goobta uu dilka ka dhacay Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya, kuwaas oo meydka goobta ka qaday.

Fayte ayaa ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Nabad Suggida, balse sanadkii 2018-kii lagu biiriyay Ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir, waxaana weli la cadeyn Ninka dilka u geystay iyo sababta uu u dilay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada dilka Sarkaalka, iyaga oo sheegay in ay dileen Taliyihii Booliska degmada Hodan, walow laamaha Ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya weli ka hadlin dilkaas.