Sawiro-100 Haween ah Oo Baydhabo lagu Gudonsiiyey Beeraha Qalab koogu talagalay

Wasiirka Wasaaradda Haweenka Arrimaha Qoyska Iyo Xuquuqul Insaanka Koonfur Galbeed Marwo Fahiima Osman Omar ayaa maanta ka qeybgashay kulan 100 haween ah aqab beeraha loogu talagalay lagu gudoonsiinaayey,

Mashruucan oo lagu magacaabo (LEAP PROJECT) Waxaa maalgaliyey Dowladda Japan waxaana loogu talagalay hoggaanka haweenka, awood-siinta iyo ilaalinta mashruuca LEAP waxaa lagu wadaa inuu noqdo mid lagu horumariyo helitaanka fursadaha hab-nololeed ee ka hortagga dhimista shaqo la’aanta Dumarka.

Masuuliyiinta kulankan ka qeybgalay waxaa kamid ah agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka Arrimaha Qoyska Iyo Xuquuqul Insaanka Koonfur Galbeed Marwo Madiina Ahmed Nur Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga Mudane Ibrahim Adam Ali Soomow Agaasimaha Wasaaradda Beeraha Mudane Abdullahi Hassan Siidow Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Haweenka Arrimaha Qoyska Iyo Xuquuqul Insaanka Koonfur Galbeed Marwo Asmo Mohamed Isaack Imran Abdullahi oo ah CARE’S Country Director Naser Ahmed OIC,UNSOM Baidoa Ifrah Ahmed oo ka soctay Ifrah Foundation iyo DR Sadiq Syed oo ah UN Women Country programme manage iyo Masuuliyiin kale,

Hay’ada Qaramada Midoobay ayaa iskaashi la sameeyay wasaaradaha haweenka Jubbaland iyo Koonfur-galbeed States CARE international iyo Ifrah Foundation si loo fuliyo howlo kor loogu qaadayo adkeysiga iyo abuurista nolol 3400 oo haween ah oo barakacayaal ah iyo haweenka kale ee la heyb sooco marka laga soo tago in la gaarsiiyo ilaa 3000 xubnood oo bulshada ka tirsan fariimo wacyigelin ah. Barnaamijka LEAP waxaa uu taageeray 200 qoys oo beeralay ah 100 Kismaayo jooga iyo 100 ku nool Baydhabo.