Bannaanbaxa ayaa ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana ka qayb galay qaybaha kaladuwan ee Bulshada Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jiray Xildhibaanno, Wasiirro iyo Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Gobolka Banaadir.
Bannaanbaxa oo si weyn looga dareemay Magaalada ayaa waxaa si gar ah uu uga dhacay Taalada Daljirka, waxaana goobta soo buux dhaafiyay shacab aad u tira badan oo si nabdoon ku muujinayay Bannaanbaxooda, iyadoo si weyn u taaageeray Go’aankii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed farmaajo uu ku saxiixay 13-ka kursi ee Gobolku uu ku yeelan doono Golaha Aqalka sare.
Goobta waxaa ka hadlay mas’uuliyiinta kasoo qayb galay Bannaanbaxa, waxaana ka mid ahaa dadka hadlay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dadaalka lagu raadinayay matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka sare, waxaana uu tilmaaamay in juhdi iyo Farsamayin kala duwan lagu bixiyay sidii loo raadin lahaa 13-ka kursi ee Shalay uu saxiixay Madaxweyne Maxamed cabdullaahi Maxamed Framaajo.
Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa ugu dambeyntii ka hadlay goobta ayaa sheegay in ay jiraan Mas’uuliyiin iyo madax caqabad ku ah Matalaaddaan uu helay Gobolkani Banadir, waxaa sidoo kale Cumar Filsh uu ka dhaqaajiyay arrimo kale oo uu kaga hadlay arrinta quseeysa saxiixitaankii uu saxiixay 13-ka Senotar ee Aqalka Sare, waxaana uu si weyn ugu mahad celiyay madaxweyne Farmaajo, isagoo intaa ku daray in shacabku ay taageeraan Madaxweynaha iyo Xildhibaanada labada Aqal dadaalka dheer ee uu ku bixiyeen Helitaanka Matalaadda Gobolka.
































