SAWIRO:-Ciyaaryahano KG Oo lagu Dhaawacay Muqdisho

Qaar kamid ah Ciyaartoyda ka socotay Maamulka Koonfur Galbeed ee ka qeyb galayay tartanka Kubadda Cagta Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir ayaa la dhaawacay, kadib kulankii laga badiyay oo ay la yeesheen Ciyaartoyda Gobolka Banaadir.

Ilaa lix Ciyaaryahan oo ka tirsan xulka Koonfur Galbeed ayaa la dhaawacay, kadib markii Gaari Bas ah oo ay saarnaayeen dhagxaan lagu weeraray,

Wasiirka Wasaarada Sports Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Ibraahim Aadan Najax ayaa isna ka hadley falkaasi Foosha xun Ee lagula kacay Ciyaaryahanada KG Waxaana uu yiri,

“Tani waa marahabaabin qaawan waxayna dhaawacaysaa masuuliyadiina iyo xadgudubkii isir neceybka ahaa ee lagu beegsaday ciyaartoyda, masuuliyiinta iyo shacabka KGS ee usoo daawasha tagay ciyaartii maanta.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Xamsa Saciid Xamsa ayaa waxa uu falkaasi ku tilmaamay in uu aad uga xun yahay lana aqbaleyn.

Waxa uu Alle uga baryay in uu caafimaad deg deg ah siiyo Cayaartooyda xulka Koonfur Galbeed ee ay waxyeelada soo gaartay..

Magacyada lixda Ciyaaryahan iyo meelaha laga dhaawacay.

Cabdikariim Absa – Dhaawac Madaxa.

Maxamed Wadani – Dhaawac Garabka.

Maxamuudey ibraahim – Dhaawac isha

Xabiib Ibraahim – Dhaawac Gacanta.