SAWIRO:-Cutubto Ka Tirsan Booliska Konfur Galbed

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Isaag Ali Subag ayaa magaalada Baydhabo xarunta gobalka bay ku Daahfuray Tawabar loo Qabtay Cutubyo Ka Tirsan Ciidanka Booliska

Ujeeddada tababarku waa in la baro ciidamada dawladda aqoonta ku aaddan xuquuqda aadanaha iyo xoojinta xukunka sharciga ” ayuu yiri Isaag Ali Subag Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Waxaa ay ka soo qaybgalayaasha tababarkani heli doonaan faham dheeraad ah oo ku saabsan dowrkooda iyo waajibaadkooda ku aadan ilaalinta shacabka, dadka iyo shakhsiyaadka nugul iyo iyo dadka la dayacay oo ay ka mid yihiin haweenka iyo carruurta.

Iintii lagu jiray furitaanka tababarka Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed. “Waxaa ay awood u siineysaa ciidamada ammaanka in ay yeeshaan faham wanaagsan oo ku aaddan xuquuqda aadanaha maadaama ay la shaqeynayaan qaybo kala duwan oo bulshada ka mid ah”.

Tababarka kaddib, ka soo qaybgalayaasha waxaa laga rajeynayaa in aqoonta ay faa’iideen ay la wadaagaan xubnaha kale ee ka tirsan ciidamada xoogga iyo booliska.