Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Baydhabo ku Qabatey Kulan dood Wadaag ahaa Oo Looga Hadlayey Doorka Siyaasada ay Ku Leeyihiin dhalanyarada,
Waxaana si gaar ah looga hadkey sidii Dhalinyaradu ay ugasoo Muuqan Lahaayeen Doorashada Xildhibaanada Koonfur Galbeed Waxaana Kaqeybgaley Wasiir Kuxigeenka,Agaasimaha,Lataliyaha Wasaaradda dhalinyarada, Odayaasha Dhaqanka kg, Maamulka Gobolka Baay iyo kan Degmada Baydhowa, Ururada Bulshada Rayid ka ah iyo Qeybaha Kaladuwan ee Dhalanyarada Koonfur Galbeed Soomaaliya,
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa la filayaa dhawaan in ay ka dhacdo Doorashada Xilibaanada Cusub ee Badalaya Xilibaanadii hore ee Maamulkii Shariif Xasan ee wakhtigoodu uu dhamaadey.
































