Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Amb Dr . Ali Said Faqi aya Maanta magaalada Baraawe ku dahafurey Shirweynaha Madasha Horumarinta Baraawe kaasi oo looga hadlaayo Arrimaha Caafimaadka , Waxbarahada iyo adeegyada kale Bulshada ay u bahanyihiin.
Madasha Waxaa ka soo qeyb galey Mas’uliyiin kala socota Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Iyo Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ,Odayaasha Dhaqanka iyo Marti sharaf kale
Wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Amb Dr Ali Said Faqin ayaa Maanta gaarey Caasimada Koonfur Galbeed ee Baraawe.





















