SAWIRO-Gudoomiyaha Baarlamanka KGS Oo dib ugu soo laabtey Baydhabo

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Ali Said Faqi ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay kadib safar shaqo oo uu Ugu Maqna Dalka Dibadiisa.

Waxana garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyay Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ee Baarlamanka KGS Mudane Mohamed Nuur iyo Guddoomiye kuxigeenka Labaad Marwo Shamso Maxamed yarrow ,Xildhibaano ,qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Koonfur Galbeed ,odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Baydhabo.