SAWIRO:-Maamulka Cusub Ee Fobolka Bakool Oo Xilka la Wareegey

Munaasabad xilka ay kula kala wareegaayeen Gudoomiyihii hore Gobolka Bakool iyo Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Bakool ayaa ka dhacdey Degmada Xuddur Ee Xarunta Gobolka Bakool.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Dowlaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Mohamed Abukar Abdi wasiirka Amniga Wasiirka Maaliyadda iyo masuuliyiin kale ayaa goobjoog ahaa munaasabad xilka ay kula wareegayaan maamulka cusub ee gobolka Bakool oo dhawaan la magacaabey,

Munaasabadan maanta ay xilalka ju kala wareegayeen ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa qeybaha kala duwan Ee Bulshada Degmada,Odayaasha dhaqanka Haweenka Dhallinyarada Saraakiil Ciidan.