Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxda iyo howlwadeennada Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, waxa uuna ku bogaadiyey diyaarinta Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka oo maanta uu daahfuray,
Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa Maanta daahfuray Shirka qorshaha 9aad ee horumarinta Qaranka ee 2020- 2024 oo ay kushaqayn doonto dowladda kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda qorsheynta iyo maalgashiga ee Xukuumadda Soomaaliya.
























