Arday kor u dhaafeysa Boqol ayaa Maanta ka qalin badalatey Jaamacafa Koonfurta Soomaaliya iyagoona bartey Kulliyado kala duwan Aradydan ayaa waxaa ay aheyd Dufcaddii Afaraad ee ka Qalin jebisa Jaamacadan,
Munaasabad si weyn loo soo agaasimey oo lagu maamuusayay Qalin Badalashada Ardaydaasi ayaa waxaa ka qeyb galay Mauuliyiin aad u farabadan oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed [Lafta_gareen] iyo Wasiiro oo uu kamid ahaa Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Koonfur Galbeed Mudane Cabdiraxmaan Cusmaan Malaaq.
Gudoomiyaha Jaamacada Koonfurta Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji ayaa ka warbixiyey Waxyaabaha ay barteen Ardaydan Maanta Qalin badalatey iyo waxyaabihii ay barteen ardayda Wxaa sidoo kale Goobtaasi ka hadley Wasiirka waxbarshada Koonfur gAlbeed.
ugu Dambeeyn waxa goobtaasi ka hadley Madaxweyne Laftagareen Asagoona Dhiiri geliyey Ardaydan Qalin badalaneysey wuxuuna ugu Hambalyeeyey Ardaydaasi Qalin badalashada Ardeyda Jaamacada #USS ee Magaalada Baydhabo asagoona sheegey Maamulkiisa in uu si weyn u garab istaagayo Guud ahaan Bahda Waxbarashada,
Asagoona dhanka kale uu Abaal marin uu ka heley Madaxweynaha Maamulka Jaamacada ayagoo sheegey madaxweynaha in ay u gidoonsiiyeen Garab istaaga uu garabtaagan yahay Bahda waxbarashada.

































