Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa Xafiiskisa ku Qaabilay Wafdi heer caalami ah
Wafdigan manta soo gaarya magalada baydhab ee xarunta gobalka bay waxa Hugaaminayaya Madaxa Hay`adda IOM Bariga iyo Geeska Africa
Intaa ka dib madaxda hay ada iyo madaxweynah cabdicasis xasan ayaa qaaday kulan saacado adan .
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa xubka ka tirsan golaha waziirada mamulka .
Masuulyinta IOM iyo madaxweynaha konfur galbed ayaa isku fahmay in mamulka laga caawiyo hormarinta arimha bulshada iyo kaabayasha dhaqaaalaha .
Hay ada IOM hada waxay mashruucyo hormarinedka ka wadaa degmooyin ka tirsan gobalka shabeelaha hoose
Sidoo kale IOM baydhabo waxay ka wataa mashruuc loogu magacdaray Xalka Waara kaas oo lagula tacaalo baracyaasha ka soo barakacay deegano ka tirsan Konfur galbed .
Waziirka wazaarada qorshayn iyo xiriirka caalamiga dowlad goboledka konfur galbed ahmed baashi ayaa la hadlay warbaahinta kana warbixiyay wax yaabihii ka soo baxay kulanka manta .















